Soomaali

Riksteatern wuxuu leeyahay xubno tiradooda gaarayso 40 000 qof, waa urrur dhaqdhaqaaqiisa fikrado ku salaysan oo dadyoow badan u hawlgala. Xubno tiradoda badan sida ciyaartooyda iwm waxay teatarka qaranka ugu hawlgalaan hab an lacag shaqaysasho shaqo ku lahayn oo ikhtiyaari ah, taasoo ujeedadeeda ah in fanka la gaarsiiyo dhammaan dadyoowga dalka Iswiidan ku nool. Riksteatern xubnahiisa ayaa iskaleh. Haddaba haddii xubin aad Riksteatern ka noqoto waxaad wax ka leedahay mid ka mid ah teaterka adduunka ugu wayn, taasoo ku suurta gelinayso in dadyoow tiro badan ay ku soo biiraan madadaaliska oo adiga xiiseeeyso. Sannad kasta waxaa Teaterka qaranka daawada dad tiradooda ka badan hal maljuun oo qof.

Waa goob fikrado lagu soo jeediyo laguna horumariyo
Tirada xubnaha ururka waxay gaarayaan qiyaastii 40.000 qof, oona ka tirsan dhaqdhaqaaqa dimuuqratiyada ummadda. Teaterka qaranka waa urrur – u furan danwadaageyaasha ka sokkoww dugsiyada ama kuwa kale oo xubin ka noqon karaan Riksteatern oo saldhig u noqon karo is waydaarsiga fikradaha.


© Maryam Barari